Britain ayaa si rasmi ah uga baxday Midowgii Yurub, ka dib markii muddo afar sano ah ka hor ay shacabka dalkaasi u codeeyeen sidaas.
Waxaa soo idlaaday 11 bilood oo ahaa waqtiga kala guurka, iyadoo sanadka cusub ee 2021-ka uu curtay Britain oo banaanka ka joogta Midowga Yurub .
Britain kuma shaqeyn doonto sharciyadii Yurub ee ay 50 sano u hogaansameysay sida ganacsiga xorta ah, Maxkamada Yurub, iskaashiga amaanka iyo dhanka socdaalka oo dadka Yurub ka yimaada ay joogi kareen kana shaqeysan jireen UK iyagoo aan dal ku gal u baahneyn.
Ra’isul Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa sheegay in UK ay heysato xoriyadeeda ayna arimaheeda u sameysaneyso si ka duwan oo ka wanaagsan sidii hore.
UK waxay Midowga Yurub ku biirtay 1 Janaayo 1973, iyadoo dhinaca kale, Madaxweynaha faransiiska uu sheegay in UK ay ahaan doonto saaxiib iyo isbaheysi aysan marna ma maarmi doonin Yurub
Xafiiska Wararka Oslo.
Info@aragticusub.com