Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay gobalka Hiiraan

Dagaal  ayaa U dhexeeyay  Kooxda la magac baxday  Macawiisley iyo Alshabaab kaas oo xalay  dhacay degaanka Ceel-cali ee gobolka Hiiraan

Wararka ayaa sheegaya  in dagaalkaas uu yimid kadib markii Kooxda Macawiisley ay weerar ku qaadeen fariisin Alshabaab ay ku leeyihiin degaanka Ceel-Cali waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus inkastoo aan si rasmiya oo loo ogayn khasaaraha ka dhashay.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in ay maqlayeen Rasaas culus oo ay isku adeegsanayeen dhinacyada dagalamayay,iyaga oo sheegay  in aysan sheegin Karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka dhexmaray koxda Macawiisley iyo Alshabaab.

Sidoo kale ma jirto cid ka madax-bannaan labada dhinac oo xaqiijin karta khasaaraha dagaalka halkaasi ka dhacay.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com