Munaasabad lagu Taageerayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho

Xaflad laguna soo dhaweeynayay  Madaxweynaha dawlada Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud lagu sii sagootinayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo  ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Xafdlada ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Xisbiga Sinaanta Amaanka iyo Midnimo u ololeeynta ee loo soo gaabiyo Samo.

Ugu horreeyn waxaa Munaasabada Daahfuray  EX Xildhibaan Sheekh Axmed Abuukar Gaafaay oo ka mid ahaa  xildhibaanadii Baarlamaankii kumeelgaarka ahaa waxaa uuna ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Xisbiga Sinaanta Amaanka iyo Midnimo u ololeeynta Samo Ugaas Aweys Xuseen Huneero oo ka Tirsan Odyaashii dhaqanka ee 135 isalamarkaan soo dhisay dawlada Federaalka Soomaaliya  Isaga oo Goobta xaflada ka dhacewysay ka Jeediyay khudbad dheer oo uu uga hadlayay Isbadalka siyaasadeed ee dalka ka jira gaar’ahaan  Guusha uu Madaxweyne xasan sheikh maxamuud ka gaaray doorashadii 15kii bishan may ka dhdyaxaruunta Teendhada Afasiyooni ee magaalada Muqdisho

Gudoomiye Huneero ayaa sheegay in uu Taageerayo dib u doorashada madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud Sidoo kalena uu soo dhaweeynaayo Waxqabadka dawladii madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farnaajo.

Mas’uuliyiintii   kale ee munaasabada ka hadashay  waxaa qayb ka ahaa Cqaadir Abuukar Axmed oo ka Tirsan Golaha dhexe ee Xisbiga Samo waxaana uu bogaadiyay Waxqabadkii dawladii madaxweyne Farmaajo waxaana uu ugu baaqay Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in uu wax qabad wanaagsan uu la yimaado

Munaasabada Xisbiga Samo ay ku taageerayeen Madaxweyne Xasan Sheekh maxamuud xubnihii ka hadlay waxaa qayb ka ahaa Dr. Maxamed Aweys oo ku hadlayay Magaca Gudoomiye ku Xigeenka qaybta Dhalinyrada ee Xisbiga sinaanta Amaanka iyo Midnimo U ololeeynta  iyadoo Markii dambe uu xaflada soo gabagabeeyay Gudoomiyaha Xisbiga Samo Ugaas Aweys Sheekh Xuseen Huneero oo ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu dalka ka soo saaro Nidaamka Awood qaybsiga ee 4.5  loona gudbo Nidaamka Xisbiyeed waxaana laga soo saaray munaasasabada warsaxaafadeed ka tarjumaya waxyaabaha looga hadlay Munaasabadaasi

Halkaan Hoose ka Akhriso Warmurtiyeedka:

 Info@ragticusub.com

Xafiiska wararka Muqsdisho