Taliyaha cusub ee NISA oo xilka la wareegay

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegayay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad, taas oo ka dhacday xarunta hay’adda.

Xilka wareejinta ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay taliyeyaasha ciidamada qalabka Sida.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in taliyaha cusub looga baahan yahay dardargalinta sugida Amniga caasimadda.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com