Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Dhooba-daareed ayaa ka digay shir la sheegay in uu ka dhacayo magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.

Dhooba-daareed ayaa sheegay in shirkaas uu yahay shirqool siyaasadeed oo Somaliland u dhigayso Beelaha dega Gobolkaasi ay u qabsato degaannada Gobolka Sanaag ee Beeshaas degto.

Cabdixakiin Dhoobo ayaa sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaamay in isagu wax ka abaabulay ama ka qayb-geli doono Shirka Ceerigaabo.

Xafiiska Wararka Muqdisho

info@aragticusub.com