Waxa ay wali wadaan Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT ayaa wali Magaalada Muqdisho ka wado Shahaado siinta Xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.
Guddiga ayaa shahaadada Xildhibaanimo siiyay Xildhibaano dhowr ah oo kor u dhaafaya 280 mudane.
Xildhibaanada maanta qaatay shahaadada Xildhibaanimo waxay kale yihiin: Xildhibaan Mohamed Ahmed Mohamed (Beerey) GSH#024 iyo Xildhibaan Osman Mohamed Mohamud (Xaadoole) GSH#106.
Xildhibaan Cismaan Xaadoole ayaa ka mid noqonayo xubnaha Saraakiisha ee ku jira baalamaanka 11-aad ee Soomaaliya kuwaas oo iskugu jira Militari, Nabad sugid, Asluub iyo Booliis.
Xildhibaan Cismaan Xaadool oo dhawan lagu dooratay magaalada Jowhar ayaa ka mid ahaa saraakiishii hogaamineeysay ciidankii bad-baado qaran ee kadhiidhiyay muda kororsigii dhicisoobay ee uu hormuudka u ahaa M/weenihii hore ee Farmaajo.
Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com