Kiisaska Covid-19 oo u dhaw 300 oo Milyan guud ahaan Caalamka!

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa qaylo dhaan ka muujisay kiisaska sii kordhaya ee Covid-19 gaar ahaan xaaladaha cusub oo ay diiwaangelisay 24kii saac lasoo dhaafay guud ahaan Caalamka.

WHO ayaa markale ku celisay in la qaato tallaalka kahortagga ee Covid-19 si loosoo afjaro 2022, Dr Tedros Adhanom oo ah Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa ku baaqay in wadajir loo wajaho istaajinta khatarta cudurkaan.

2,150,463 (Labo Milyan, boqol & konton kun, afar boqol, lexdan & saddex xaalad) waa tiro aad u badan, waxaana loo sababeynayaa in uu xaddiga intaas la eg gaaro dhammaadka sanadka 2021 oo dad badan fasaxa ay heleen socod ku galeen.

Tiradaan ayaa kordhisay diiwaankii hore oo waxa uu ku dhaw yahay 300 oo Milyan sida ku xusan diiwaanka Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), 295,585,822 (Labo boqol, sagaashan & shan milyan, shan boqol, siddeetan iyo shan kun, siddeed boqol, labaatan & labo xaalad guud ahaan Caalamka tan iyo markii uu soo shaacbaxay Covid-19.

Dowladaha qaar ayaa soo jeediyay in qasab laga dhigo qaadashada tallaalka Covid-19, xitaa in qofka aan wadan Xaanshida caddeynta loo diido Shaqooyinka, waxbarashada, Ganacsiga, tagista Goobaha Bulshada ay ku kulmeen & meel weliba oo la isugu gudbin karo fayruska.

Madaxa WHO Dr Tedros Adhanom ayaa dhammaadkii 2021 waxa uu soo jeediyay in dalalka heysta tallaalka Covid-19 intii ay ka keydin lahaayeen ugu deeqaan kuwa dhaqaale ahaan hooseeya ee aanay awoodin in ay iibsadaan.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com