18 qof oo loo soo qab qabtay gabdho lagu kufsaday Afgooye

Waxay ahayd arrin argagax iyo walaacba ku beertay shacabka Soomaaliyeed, ka dib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in gabdho yar yar lagu kufsaday Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Hablaha la kufsaday oo saddex jir iyo afar sano jir kala ahaa ayaa waxaa kiiskooda loo soo qab qabtay sideed iyo toban nin, kuwaa oo hadda ku jira gacanta sharciga.

Ibraahim Aadan Cali (Najax), Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa bulshada Soomaaliyeed la wadaagay in kiiskaasi loo hayo sideed iyo toban qof, oo lala xiriirinayo.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose ayaa intaa ku daray in hay’adaha ammaanka, ay weli ku hawlan yihiin baaritaanada ku aadan falkaasi.

“Waxaan shacabweynaha ku nool Shabellaha Hoose iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in illaa 18 qof oo looga shakisan yahay in ay ka dambeeyen kufsiga Degmada Afgooye loogu gaystay ilmaha yar ay xiran yihiin, laamaha Amnigana ay weli wadaan baaris la xiriirta kiiskan.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Waxaa uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay waxa lagu kacay gabdhahaasi yar yar, isla-markaana ay si dhow ula socdaan xaaladooda iyo midda qoyskooduba.

“Waa arrin aad looga xumaado in gabdho aad u da’yar loo gaysto kufsi, xaaladda gabdhaha yar iyo qoyska aad baan uga warqabnaa.” Ayuu yiri Gudoomiye Najax oo warkan ku sheegay qoraal uu dadka kula wadaagay bartiisa Facebook.

Muddooyinkii ugu dambeysay ayaa waxaa Gobolada Koonfurta Somaliya ku soo baadayay falalka kufsiga, tiiyoo ay muuqato inaanay jirin cid loo maxkamadeeyay.

 

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.com