15 kii xildhibaan ee laga joojiyay Fadhiyada Baarlamaanka oo ka qayb galaya kulanka berri ka dhacaya Xarunta Villa Hargeysa

Xildhibaannadii uu Gudoomiayaha Golaha shacabka  ka  joojiyay fadhiyada baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in aysan jirin wax sharci ah oo guddoomiye Mursal u cuskaday go’aanka kulamada looga joojiyay, isla markaana uusan jirin xeer u ogolaanaya inuu gaaro go’aankaas.

Xildhibaannadaasi  ayaaGudoomiyaha Golaha shacabka Maxamed  Mursal ku eedeeyay in uu meel uga dhacay xeer hoosaadka Aqlaka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya, uuna ku xadgudbay qodobo ku jira, uuna ku tuntay qodobka xarunta Golaha ka mamnuucaya in lala soo galo hub.

Waxay tilmaameen xildhibaanada in shalay ciidamo uu hoggaminayay sarkaal horay uga tirsanaa Al-Shabaab, oo magaciisa lagu  sheegay  Shakiib,uu  ku sugnaa xarunta Golaha shacabka baarlamaanka, waxana  ay sheegeen in loogu talagay in lagu handado xildhibaannada.

Sidoo kale xildhibaanada ayaa sheegay in ay soo gaartay farriin loo soo diray xildhibaannada Golaha Shacabka ayna tagayaan kulanka berry ka dhacaya xarunta villa Hargeysa wixii dhibaato ah ee soo gaara xildhibaannadana uu mas’uul ka noqon doono guddoomiye Mursal.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com