Dagaal culus oo dhex-maray Ciidamada Puntland & Daacish

Wararka ka imaanaya Gobolka Bari ee Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal uu dhex-maray ciidamada gaarka ah ee Punland iyo Xubno la aamisan yahay inay ka tirsan Kooxda Daacish.

Dagaalka oo ka dhacay meel 15km u jirta degmada balidhidhin ayaa yimid kadib markii Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Puntland ay howlgal ku qaadeen  degaankaas, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo geystay khasaaro kala duwan.

Qof kamid ah dadka degaanka lagu dagaalamay ayaa Warbaahinta u sheegay inay marqura ka warheleen Ciidamada Puntland oo wata Gaadiidka dagaalka oo degaanka soo gaaray, isla markaana ay dagaal la galeen rag ka tirsan Kooxda Daacish.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Puntland ee PFS ayaa sheegay in Ciidamada ay gacanta ku dhigeen Gaari siday qarax iyo hub ay lahaayeen Kooxda Daacishta Soomaaliya, wallow an weli ka helin dad madax banaan oo warkaasi xaqiijinaya.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaannada lagu dagaalamay ee Goblka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada ay tahay mid degan, hayeeshee Ciidamada Puntland ay wadaan dhaq dhaqaaqyo iyo howlgallo.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com