13 jir Somali oo Covid-19 ugu geeriyooday London


Wiil 13 jir ah oo Soomaali ah, oo laga helay coronavirus ayaa geeriyooday, sida ay sheegeen maamulka isbitaal ku yaalla magaalada London.

Ismaaciil Maxamed Cabdulwahab, oo qoyskiisa ay daggan yihiin xaafadda Brixton ee koonfurta London, ayaa galinkii hore ee maalintii Isniinta ku geeriyooday isbitaalka King’s College.

Waxaa la aaminsan yahay inuu noqday qofkii ugu da’da yaraa ee coronavirus ugu dhintay gudaha UK.

Afhayeen u hadlay isbitaalka ayaa sheegay in dhimashada wiilkan yar loo sababeeyay saameynta xanuunka corona, laakiin wax faah-faahin dheeri ah ma uusan bixinin.

In ka badan 1,790 qof ayaa UK ugu geeriyootay cudurkan loo bixiyay Covid-19.

Tirakoobkii ugu dambeeyay ayaa lagu sheegay in hal maalin gudaheed ay dhimashada ku korortay 381 qof, taasoo ahayd tii ugu sarreysay ilaa hadda.

Qoyska Ismaaciil oo bayaan ay so saareen uu shaaciyay qof saaxiib la ah ayaa sheegay “inay musiibo weyn ku tahay” geeridiisa.

Waxay intaas ku dareen inuusan horay u qabin cudurro muuqday oo dhibaato ku ahaa caafimaadkiisa, wixii ka horreeyay maalintii Jimcada oo laga helay Covid-19.

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.c