𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮” 𝗛𝗮𝗱𝗮𝗳𝗸𝗮 𝗫𝘂𝗸𝘂𝘂𝗺𝗮𝗱𝗱𝘂 𝘄𝗮𝗮 𝗶𝗻 𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼 𝗹𝗮𝗴𝗮 𝗱𝗵𝗶𝗴𝗼 𝗰𝗮𝗮𝘀𝗶𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗔𝗳𝗿𝗶𝗸𝗮 𝘂𝗴𝘂 𝗮𝗺𝗻𝗶𝗴𝗮 𝗳𝗶𝗶𝗰𝗮𝗻”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in lagu guuleystey sugidda amniga caasimadda Muqdisho, taas oo sare u qaadday kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan dowladdooda.
Ra’sul Wasaaraha oo guddoomiyey shirka amniga caasimada, kaas oo looga hadlay dardargelinta sugidda amniga Muqdisho ayaa intaas ku daray in Xukuumadda #DanQaran oo ka duulaysa Tiirka Amniga iyo Dib u Xorreynta ay qaadday tallaabooyin wax ku ool ah oo suuragaliyay in nolosha shacabka, ganacsiga iyo isu socodka dadweynaha uu si weyn u hagaago.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in guulaha la gaarey ay ka mid tahay in magaalada si buuxda la isugu furo, taasi oo masuuliyiinta Qaranka ku dhiirrigelisey in ay tagaan degmo kasta oo gobolka Banaadir ka tirsan, talaabadaas oo aan macquul ahayn muddo ka hor.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa saraakiisha hay’adaha amniga ku ammaanay dadaallada ay wadaan ee lagu xasillinayo amniga caasimada, isagoo tilmaamay in hadafka Xukuumadda Dan-Qaran uu yahay in magaalada Muqdisho laga dhigo caasimadda ugu amniga badan qaaradda Afrika, wuxuuna faray in ay dadaalkooda sii laban-laabaan.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com